Home Wararka Maanta Saxafi lagu xiray Magaalada Muqdisho

Saxafi lagu xiray Magaalada Muqdisho

by Laacib

Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul oo ka mid ah Wariyeyaasha ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu xiray magaaladaasi.

Rag ku labisnaa dharka shibilka ayaa la sheegay in si khasab ah ay uga kaxeysteen Jaamacadda Muqdisho, oo uu ka mid ahaa ardayda wax ka barata.

Wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo bastoolado ku hubeysnaa ay jirdileen Wariyaha, ka hor intii aanay goobta ka kaxeysan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raggaasi ay Wariyaha ku kaxeysteen gaari nooca yaryar ah.

Jahwareer ayaa ka dhashay halka ay la aadeen Saxafiga, goor dambe ayaana laga war helay in lagu hayo Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID), oo ku taala agagaarka Isgoyska KM4.

Ma cadda waxa lagu haysto Wariye Bulbul, iyadoona laamaha amniga aanay weli ka hadlin xariggiisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in loo haysto faafinta warar been abuur ah, waxayna wararku sheegayaan in xariggiisa uu amray Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.

Bulbul ayaa hadda ahaa Xoghayaha Warfaafinta & Xuquuqul Insaanka ee Ururka Saxafiyiinta SJS.

Xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa la sheegaya in ay dadaal ugu jiraan, sidii uu Saxafigu dib ugu heli lahaa xorriyadiisa.

Somaliya ayaa lagu tilmaamaa mid ka mida dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc