Home Dhacdooyin Saxafigii 141-aad oo lagu dilay Marinka Gaza

Saxafigii 141-aad oo lagu dilay Marinka Gaza

by Laacib

Saxafi kale oo Falastiini ahaa ayaa Khamiistii lagu dilay weerar xagga cirka ah, oo ay Israel ka gaysatay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Mohammed Al-Jamal oo ahaa Saxafi u shaqeynayay Wakaaladda Wararka Falastiin ee NOW ayaa naftiisa waayay, markii diyaaraad dagaal ay duqeysay hoygii uu ka deganaa Rafah.

Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa sheegay in Mohammed Al-Jamal uu noqonayo Wariyihii 141-aad ee lagu dilo Gaza, tan iyo 7-dii October.

Tani waxay noqonaysaa tiradii ugu badneyd ee Saxafiyiin ah oo goob qura lagu dilo, muddo billo gudahood ah.

Ciidamada Israel ayaa si indha la’aan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan Wariyeyaasha iyo shaqaalaha gargaarka ugu dila Marinka Gaza.

Muddada lixda bilood ka badan ee dagaalku uu ka socdo Gaza ayaa sidoo kale lagu dilay ku dhawaad 200 oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka, kuwaa oo 175 ka mid ah ay u shaqeynayeen Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in duulaanka Israel ee Gaza uu sababay khasaarihii ugu badnaa ee ay ebid la kulmaan shaqaalaha gargaarka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa dhowr jeer oo hore cambaareeyay ficilada foosha xun ee Israel.

Israel ayaa cambaareyn xoog leh kala kulantay hoggaamiyeyaasha caalamka, ka dib weerarkii ay ciidamadeeda 1-dii bishan ku dileen toddobo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen, oo howlo naf badbaadin ah u joogay Marinka Gaza.

Israel ayaa lagu eedeeyaa in ay si joogto ah ugu xadgudubto shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, tiiyoo ay si adag u beeniso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc