Home Wararka Maanta Saxafiyiin lagu xiray Magaalada Hargeysa

Saxafiyiin lagu xiray Magaalada Hargeysa

by Laacib

Ciidamada amniga ee Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex ka mid ah Saxafiyiinta ka hawlgala MM Somali TV ee Xaruntiisa Magaalada Hargeysa.

Ururka Saxafiyiinta ee Somaliland ayaa sheegay in laamaha amniga ay xalay weerareen Xarunta TV-ga, xilli ay ka socotay dood lagu fallanqeynayay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay 1-dii bishan gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Saxafiyiinta la xiray ayaa kala ah Maxamed Cabdi Ilig (Gudoomiyaha MM-TV), Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdillaahi (Andar), sida lagu sheegay barta telefishinka.

Sakariye Axmed Muxumed oo ka tirsan Masuuliyiinta Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay in aysan ogayn halka lagu xiray Saxafiyiinta iyo welibana sababta loo xiray.

Sakariye Axmed ayaa sheegay in ay ku daba jiraan, sidii ay u ogaan lahaayeen meesha ay ku xiran yihiin Wariyeyaasha iyo xaaladooda caafimaadeed.

Laamaha amniga iyo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaan weli ka hadlin xarigga Saxafiyiinta iyo sababtii ka dambeysay xarigooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc