Home Dhacdooyin Sayid Cali oo lagu helay dacwaddii loo haystay iyo dil toogasho oo lagu xukumay

Sayid Cali oo lagu helay dacwaddii loo haystay iyo dil toogasho oo lagu xukumay

by Laacib

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ku eedeysnaa in uu nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadda ayaa ninkaasi ku heshay dacwaddii uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta, ee ahaa in uu si ula kac ah u dilay marxuumadda.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda.

“Waxay maxkamadda eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud ku heshay fal dembiyeedka ku xusan Qodobka 434, lala akhriyay Qodobka 39aad, faqradiisa 1aad, xarafkiisa D ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maxkamaddu ay ninkaasi ku xukuntay xukun dil toogasho, oo ah qisaastii marxuumad Luul Cabdicasiis.

“Maxkamadda waxay dembiile Sayid Cali Macalin Daa’uud ku xukuntay ciqaabta ku xusan Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ah dil toogasho, ahna qisaastii marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Saalax Cali Maxamuud, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daray “Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan rafcaan ku siman, inta uu sharcigu tilmaamay.”

Go’aanka maxkamadda ayaa ahaa mid ay si weyn isha ugu wada hayaan dadka Soomaaliyeed, maadaama falka uu ninkaasi ku eedeysnaa ay dadku ku sheegeen wax ugub ku ah bulshada.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa korsaneysay lix carruur oo agoon ah, waxayna 2-dii bishii hore ee February u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray dabka.

Qoyska iyo ehelada marxuumadda ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc