Home Dhacdooyin Sayid Cali oo mar kale dil toogasho lagu xukumay (SAWIRRO)

Sayid Cali oo mar kale dil toogasho lagu xukumay (SAWIRRO)

by Laacib

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ku eedeysnaa in uu dilay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadda ayaa xukunkeeda ku saleysay doodda dhinacyada, caddeymaha la soo bandhigay, warbixinta ay bixiyeen qaar ka mid ah dadkii gargaarka u fidiyay marxuumadda & dhakhaatiirtii daweysay iyo sidoo kale aayado iyo axaadiis taageereysa xujanimada in la adeegsado qaraa’inta, marka la gaarayo xukun garsoor.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Saciid Cali Maxamed oo akhrinayay go’aanka maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in garsoorku uu ayiday xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay horey ugu xukuntay ninkaasi.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 6-dii bishii March ku heshay Sayid Cali Macalin Daa’uud in uu nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, iyadoona ku xukuntay dil toogasho, oo ah qiyaastii marxuumad Luul Cabdicasiis.

Kiiska ninkan ayaa 21-kii bishii April u soo wareegay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, markaas oo maxkamaddu ay dhageysatay asbaabta rafcaankii uu ka qaatay xukunkii hore.

Marxuumadda ayaa 2-dii bishii February u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray falka lagu gubay, oo 26-kii bishii January uu saygeeda ugu gaystay hoygooda oo ku yiilay Waaxda Labaad ee Degmada Dharkiinley.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa ifka uga tagtay lix carruur oo agoon ah, oo ay u dhashay saygeedii hore ee geeriyooday.

Qoyska iyo ehelada marxuumadda ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Rafcaanka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkan ay u furan tahay cabasho waafaqsan sharciga.

Abukaate Cali Xalane oo ka mid ah qareenada difaacaya Sayid Cali ayaa waxaa suurtagal ah in cabashadooda ay u gudbiyaan Maxkamadda Sare Dalka.

Kiiskan oo ahaa mid xasaasi ah ayay dadku aad u dhawrayeen go’aankan ugu dambeeyay ee maanta ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir.

Haddii kiiskan uu u wareego Maxkamadda Sare ayaa wuxuu noqonaya mid ka mida kiisaskii ugu adkaa ee soo mara maxkamadaha Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc