Home Wararka Maanta Shabaab dil ka gaystay Magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Shabaab dil ka gaystay Magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

by Laacib

Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Hodan ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay maleeshiyada Al Shabaab, kaas oo maanta nin ganacsade ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay inay ninkaasi ka daba taggeen, wax yar uun ka dib markii uu toogasho ku dilay ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Isaaq Aadan Cali (Garow).

Wararka ayaa sheegaya in ganacsaduhu uu la dhashay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), kaas oo la weeraray wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Jimcaha ku soo tukaday.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in rasaas ay furayn Ciidanka Booliska uu ku dhaawacmay ninka gacanta lagu hayo.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dembiilaha la horgayn doono sharciga, si loo waafajiyo caddaaladda.

Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ganacsadaha.

Is bedel dhanka amniga ayaa tan iyo bishii April laga dareemayay Caasimadda Muqdisho, inkastoo maleeshiyada Al Shabaab ay isku dayayaan falal ay ku qalqalgelinayaan ammaanka magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc