Home Wararka Maanta Shabaab oo dhowr iyo soddon qof ka qafaashay Gobolka Shabellaha Dhexe

Shabaab oo dhowr iyo soddon qof ka qafaashay Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa xalay dhowr iyo soddon qof oo rayid ah ka qafaashay deegaano hoostagga Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay dadkan ka qafaasheen deegaanada Ceel-bacad iyo Daaru-nimca, oo horaantii sanadkan laga saaray.

Dadkan oo dhowr iyo soddon qof gaaraya ayaa u badan dumar, carruur iyo dad da’ ah, iyagoona ku eedeynaya amar-diiddo, ka dib markii ay dhawaan ku amrayn in ay deegaanadaasi isaga baxaan.

Dadkan ayaa u badan kuwo ehel la ah xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda, oo qayb ka ah hawlgalada Shabaabka lagaga saarayo dalka.

Muxudiin Maxamed Kulmiye (Macalin Muxudiin), Gudoomiyaha Degmada Ruunirgood ayaa qaylo dhaan ka muujiyay dadka sida khasabka ahi looga kaxeystay deegaanadaasi.

“Halkan dhibaatadii ugu foosha xumeyd ayay ka gaysteen oo afduub ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Dhibaato aan la arag oo la maqal oo Muslim iyo Gaalo lagu arag ayaa ka jira Degmada Ruunirgood.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka la qafaashay ay ku jiraan carruur yaryar, kuwaa oo aan weli afartankii laga la bixin.

Gudoomiyaha ayaa saluug ka muujiyay hakadka ku yimid hawlgaladii ka dhanka ahaa mintidiinta Al Shabaab, isagoona dowladda ugu baaqay in dib dalka looga bilaabo hawlgaladaasi.

Waxa uu sheegay in dadka reer Ruunirgood ay diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan hawlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Illaa iyo hadda lama oga halka Shabaabku ay dadkaasi ula dhaqaaqeen, inkastoo ay dadka qaarkii tuhunsan yihiin in ay geeyeen oo ay ku hayaan daanta galbeed ee gobolka, halkaas oo ah dhulka ay haatan kaga sugan yihiin gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc