Home Wararka Maanta Shabaab oo 5 nin ku toogtay fagaare ku yaala Degmada Tiyeeglow

Shabaab oo 5 nin ku toogtay fagaare ku yaala Degmada Tiyeeglow

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimchii 5 nin ku toogtay fagaare ku yaala Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Gaadiid lagu soo xiray cod baahiyeyaal ayaa dadka deegaanka ugu yeeray in ay fagaarahaasi isugu soo baxaan, oo dil toogasho lagu la fulin doono waxa ay ku sheegeen jawaasiis.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Bakool ayaa fagaarahaasi ka sheegay in raggaasi ay u basaasayeen Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka.

Qaadiga ayaa sheegay in raggaasi ay maxkamadda ka hor qirteen eedeymihii loo soo jeediyay, isla-markaana ay maxkamaddiisu ku xukuntay xukun dil toogasho ah.

Ugu dambayn maleeshiyada Xisbada ee sida booliska oo kale u tababaran ayaa xukunka dilka ah ku fuliyay raggaasi.

2-dii bishan ayay ahayd, markii Shabaabka ay sidoo kale 5 nin ku toogteen fagaare ku yaala deegaanka Buula Fuulaay ee Gobolka Baay.

Shabaabka loogama baran inay soo bandhigaan caddeymo ku aaddan dadka ay xukunada dilka ahi ku fulinayaan, marka laga soo taggo oraahda ay ku caanka baxeen ee ah isagaa qirtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc