Home Dhacdooyin Shabaab oo burburiyay Masjidkii weynaa ee deegaanka Daaru-nimca (SAWIRRO)

Shabaab oo burburiyay Masjidkii weynaa ee deegaanka Daaru-nimca (SAWIRRO)

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maanta burburiyeen Masjidkii deegaanka Daaru-nimca ee gobolkaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi oo hoostagga Degmada Ruunirgood.

Wararka ayaa sheegaya in intii maleeshiyadaasi ku sugneyd deegaankaasi ay miinooyin ku xirixreen dhismaha Masjidka, isla-markaana ay qarxiyeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay sidoo kale miinooyin ku xireen ceel biyoodyadii ay dadka deegaanka ka cabi jireen, balse aanay u suurtagelin in ay miinooyinkaasi qarxaan.

Xoogaga Macawiisleyda oo billihii ugu dambeysay ku sugnaa deegaankaasi ayaa la soo sheegaya in galabta ay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Cabdicasiis Maxamed Caddow oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Masjidka la burburiyay uu ahaa kan keliya, ee ay dadka deegaanka ku cibaadeysan jireen.

Cabdicasiis Maxamed ayaa sheegay inaanay garanayn ujeedada ka dambeysa in Shabaabku burburiyaan Masjidkaasi maalin Jimce ah, oo dadku ay doonayeen in ay ku tukadaan Salaadda Jimcaha.

Dad badani ayay la yaab ku noqotay falka ay mintidiinta Al Shabaab ku gubeen Masaajidkaasi.

Tani ayaa hadalhayn badan ka dhex dhalisay dadka deegaanka iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed, iyadoona ay dadka qaarkii ku macneeyeen mid ka tarjumeysa, sida Shabaabku uga fog yihiin Diinta Alle.

Daaru-nimca waxay ka mid tahay deegaanada gobolka ee ay horaantii sanadkan la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaase muddooyinkanba deganaa Macawiisleyda oo keliya.

  

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc