Home Wararka Maanta Shabaab oo culeys soo saaray waddada xiririisa Degmooyinka Doolow iyo Luuq

Shabaab oo culeys soo saaray waddada xiririisa Degmooyinka Doolow iyo Luuq

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay culeys soo saareen waddada xiririisa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay bar kontorool oo gaadiidka lagu canshuuro ka sameysteen deegaanka Geedweyne.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay ku sugan yihiin deegaankaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa sheegay in Shabaabka culeyska soo saaray waddadaasi ay yihiin kuwii dagaalka looga soo saaray Gobolada Dhexe.

“Shabaab waxaa lagu qaaday hawlgal ballaaran oo ay qaadday Dowladda Somaliya, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu horreyo, dhulkii muhiimka ahaa ay ka joogeen Dowlad Goboleedyada Galmdudug iyo Hirshabelle oo dhan ayaa laga qabsaday. Marka Gobolka Gedo wax dagaal ah kama uusan socon, dhaawacoodii iyo gurmadkoodii oo dhan halkan ayuu ku soo uruuray.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ciidamo u direen halka ay Shabaabku kaga sugan yihiin waddada labada degmo, balse ay waddadaasi ka taggaan, marka ay ka war helaan in ciidamada ku soo wajahan yihiin.

“Markuu ciidan maro waddada way ka taggayaan oo xogtuna way helaan markii ciidanku soo baxayaan, mana joogayaan oo laguma gaarayo.” Ayuu yiri Gudoomiye Macalimuu.

Waxa kaloo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidamo u dejin doonaan deegaanka Geedweyne, taas oo meesha ka saareysa joogitaankii Shabaab ee waddada Doolow iyo Luuq.

“Talis guud ayaa waxaan ka dhigan doonnaa Geedweyne, sababtoo ah waxaa la go’aansaday in talis guud laga dhigo oo ciidamo la dejiyo, mar dhowna waan ka hawlgalaynaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Macalimuu.

Gudoomiye Macalimuu ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadaan qorshe la doonayo in Al Shabaab lagaga saaro guud ahaanba Gobolka Gedo.

“Annaga xagayaga hawlgalkii weli muusan bilaabanin, laakiin amarkiisa wuu baxay, mar dhow waxaan jacelnahay tallaabooyin adag in la qaadi doono, lagana waayi doono guud ahaan gobolka oo dhan, haddii Ilaahay raali ka noqdo.” Ayuu yiri Macalimuu.

Waa Shabaab iyo caadadii in marka meel laga soo saaro ay goob kale culeys soo saaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc