Home Wararka Maanta Shabaab oo culeys soo saaray Xerada Militariga ee Gariley

Shabaab oo culeys soo saaray Xerada Militariga ee Gariley

by Laacib

Wararka ka imaanaya deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad baqdin ah ay ka jirto deegaankaasi, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay soo deggeen hareeraha deegaankaasi.

Shabaabka ayaa habeenkii Talaadada weerar culus ku ekeeyay Xerada Gariley, oo ay banneeyeen Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka ATMIS, ayna la wareegeen ciidan ka tirsan kuwa Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland. Shabaabka ayaa xilligaasi ku guuldareystay in ay la wareegaan gacan ku haynta xeradaasi, ka dib iska caabin xoogan oo ay ciidamada kala kulmeen.

Wararka ayaa sheegaya in gurmad ay Shabaabku ka heleen dhanka deegaanka Faafaaxdhuun, oo qiyaastii 80km u jirta Degmada Baardheere ay keentay inay culeys soo saaraan Gariley.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay fariisimo ka sameysteen dhanka waddada aadda Faafaaxdhuun, si ay halkaasi kaga difaacaan Gariley.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in Militariga Kenya ay wa-xoogaa saanad ahi ay soo gaarsiiyeen Daraawiishta Jubbaland ee Shabaabka ka horgudban in ay deegaankaasi la wareegaan.

Xiisadda ka soo korortay Gariley oo baqdin ku keentay dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan deegaankaasi, iyagoona gaaraya tuulooyinka ku dhow dhow.

Maxamuud Cabdille Warsame, Gudoomiyaha deegaanka Gariley ayaa sheegay in Shabaabku ay u muuqdaan kuwo aan darsi ka kororsan jabkii Talaadadii ka gaaray weerarkii ay ku soo qaadeen deegaankaasi, welina ay u muuqdaan kuwo doonaya in ay la wareegaan gacan ku haynta Gariley.

Gariley oo deegaan istiraatiiji ah ayaa dhaca Koonfur Gobolka Gedo, waana deegaan hoostagga Degmada Ceelwaaq, isla-markaana ku dhow xadka Somaliya la wadaagto Kenya.

Militariga Kenya ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Xerada Gariley, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc