Home Wararka Caalamka Shabaab oo dhowr qof ku surgooyay Gobolka Xeebta Kenya

Shabaab oo dhowr qof ku surgooyay Gobolka Xeebta Kenya

by Laacib

Wararka ka imaanaya Koonfur Bari Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maanta weerar ka gaysteen Gobolka Xeebta ee dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulooyinka Juhudi iyo Salama oo ka tirsan Ismaamulka Lamu, oo xuduud la leh Somaliya, sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliska, laguna dilay 5 qof.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay sidoo kale gubeen guryo, hantina ay burburiyeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in nin 60 jir ahaa ay qoorta kaga go’day xarig la sheegay in cunaha looga xiray.

Saraakiisha Booliska ayaa Wakaaladaha Wararka ee caalamiga u sheegay in saddex qof oo kale sidaan loo dilay, halka qofka 5aad la toogtay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa qoraal ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay weerarkaasi ku dileen lix qof, oo sida ay sheegtay aan Muslimiin ahayn.

Hassan Abdul oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in haweenka dusha looga soo xiray guryaha, raggana lagu xirxiray dibadda, sidaana ay ku surgooyeen kooxihii weerarka soo qaaday. Waxa kaloo uu sheegay in mid ka mida ragga la dilay uu ahaa arday Dugsi Sare dhigta.

Saraakiisha Booliska ayaa weerarkan ku tilmaamay mid argagixiso. Oraahdan ayay Booliska Kenya adeegsadaan, kolka maleeshiyada Shabaabka ay weerar ka gaystaan dalkaasi.

Shabaabka ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada ku dhow dhow xadka labada dal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc