Home Wararka Maanta Shabaab oo dib looga saaray deegaanka Daaru-nimca oo ay weerareen

Shabaab oo dib looga saaray deegaanka Daaru-nimca oo ay weerareen

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maanta weerar ku galeen deegaanka Daaru-nimca ee gobolkaasi.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay in ay dib uga baxeen deegaankaasi, taas oo keentay in maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay la wareegaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay gelinkii dambe ee maanta dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal la isku soo noqnoqday, oo ugu dambayn ay gacan ugu haynteeda ugu harayn Ciidamada Dowladda.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in ay fashiliyeen weerar ay ku sheegeen arbushaad, oo Shabaabku ku soo qaadeen Daaru-nimca.

Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay dagaalkan ku dileen xubno ka tirsan kooxaha argagixisada, meydadkoodana ay weli yaallaan gudaha deegaanka.

Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaabka ay dib ugu laabteen hawdkii ay ka yimaadeen.

“Nimankan weerar arbushaad ah ayay ku soo qaadeen deegaanka Daaru-nimca, haddana dib ayay ugu laabteen duurkii ay ka yimaadeen.” Ayuu yiri Xildhibaan Muudey oo Universaltv la hadlay.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 3aad ee ay Shabaabku ka gaystaan deegaanka Daaru-nimca, lixdii bilood ee ugu dambeysay.

30-kii bishii June ayay ahayd, markii weerar si weyn loo soo qorsheeyay ay Shabaabku ku galeen deegaankaasi, iyagoona xilligaasi gubay Masjidka weyn ee Daaru-nimca, oo ahaa kan keliya ay ku cibaadeystaan dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo tuulooyinka kale ee ku dhow dhow.

4-tii bishii September ayay sidoo kale weerar culus kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daaru-nimca, inkastoo ciidamadu ay saacado ka dib ku guuleysteen in ay dib uga saaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc