Home Wararka Maanta Shabaab oo gacanta ku dhigay shaqaale la socday diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobey

Shabaab oo gacanta ku dhigay shaqaale la socday diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobey

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maanta gacanta ku dhigeen diyaarad helicopter ahayd, oo si kedis ah ugu degtay miyiga deegaanka Xiindheere ee bariga gobolkaasi.

Diyaaradda oo ka ambaxday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuna sii jeeday Degmada Wisil ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la sheegay in cilad ay ku timid, isla-markaana ay si degdeg ah u fariisatay duleedka Xiindheere. Xiindheere ayaa ku taala inta u dhaxeyso deegaanada Ceelgaras iyo Qaayib, waana Xiindheere oo wa-xoogaa ka durugsan waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Diyaaraddan oo ay leedahay Qaramada Midoobey ayaa waxaa la socday shaqaale u badan kuwo ajnabi ah, oo u shaqeynayay Hay’adda UNSOS ee degan Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho. Dadka diyaaradda la socday ayaa tiradooda lagu sheegay illaa toddobo qof.

Wararka ayaa sheegaya in markii ay diyaaraddu degtay ay ku soo xoomeen dadkii reer miyiga ee halkaasi deganaa, isla-markaana ay qabqabteen shan ka mid ah dadkii diyaaradda la socday, ka hor inta aysan goobta soo gaarin maleeshiyada Al Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in markii ay diyaaraddu degtay ay suurtagashay in ay baxsadaan laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda, oo midkood uu ahaa duuliyihii diyaaradda.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in diyaaraddu ay sahay dawo ah u waday Degmada Wisil.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la dilay mid ka mid ah dadkii diyaaradda la socday, kaas oo loo maleynayo in uu u dhashay dalka Masar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay shaqaalaha qaarkood ula dhaqaaqeen dhanka Magaalada Ceelbuur.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Shabaabku ay qaateen agabkii diyaaradda saarnaa, ayna la baxeen qalabka qaar ee diyaaradda, ka hor inta aynaan dab qabadsiinin.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa laga soo xigtay in Xafiiska Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu si dhow ula socdo wararka la xiriira xaaladda shaqaalaha la kaxeystay iyo dhaqdhaqaaqa labada qof ee kale ee baxsaday.

Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Qaramada Midoobey ee dalka ka hawlgala ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc