Home Wararka Maanta Shabaab oo jaray waddada xiriirisa Baydhabo iyo Waajid

Shabaab oo jaray waddada xiriirisa Baydhabo iyo Waajid

by Laacib

Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay jareen waddada xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Waajid ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay inay aad u xadideen isu socodka labada magaalo, gaar ahaan waddada xiriirisa Goofgaduud Buurey iyo Waajid, ka dib markii ay miinooyin fara-badan ku aaseen waddadaasi. Goofgaduud Buurey ayaa 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Shabaabka ayaa gelinkii dambe ee Axaddii weerar culus ku qabsaday Xerada Militariga ee Goofgaduud Buurey, inkastoo saacada ka dib ay ciidamadu dib uga saareen deegaankaasi.

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo hoggaaminayay dagaalkii habeenkii Axadda maleeshiyadaasi lagaga saaray deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa sheegay in waddadaasi ay go’an tahay.

“Jidka isku socod ma lahan, kooxda argagixisada ee nabadiidka ah ayaa waxay geliyeen miinooyin macmal ah meel walba. Marka jid furan ma jiro, ummadda waa go’doon.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Nimankaas meesha ku ukumeystay oo inta badan waddankan xaaraanta ku haystay dhibaato xoog leh ayay u gaysteen dadka, ummadda aad ayay ugu dhibaateysan tahay halkaasi.”

General Xasan Baydhabo ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka rajeynayaan taakuleyn ku filan.

“Annaga halganka waan wadaynaa, dowladdeenana waxaan ka sugaynaa, oo aan ka rajeynaynaa taakuleyn fiican, howshana sidaas ayay u soconeysaa.” Ayuu yiri General Xasan Baydhabo.

Shabaabka ayaa loo maleynaya in jarista waddadan ay uga gol leeyihiin in ay ka difaacdaan dhulka miyiga ee u dhaxeeya Baydhabo iyo Waajid, waana dhul muddo dheer ay gacanta ku hayeen.

Tani ayaa imaanaysa toddobaad uun ka dib, markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc