Home Wararka Maanta Shabaab oo kordhiyay weerarada ay ku hayaan Xerada Goofgaduud Buurey

Shabaab oo kordhiyay weerarada ay ku hayaan Xerada Goofgaduud Buurey

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay gelinkii dambe ee Arbacadii ay mar kale weerareen deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobola Baay.

Goofgaduud Buurey oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xero ciidan ku leh Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga magaaladaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarkaasi, isla-markaana ay maleeshiyadii Shabaabka dib ugu laabteen goobihii ay iska soo abaabuleen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in illaa xalay fiidkii ay maqlayeen rasaas goos goos ah, deegaankana ay ku sugan yihiin Ciidamada Militariga.

General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo), Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ku bogaadiyay in ay fashiliyeen weerarkaasi.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray weerarkaasi, illaa iyo hadda inta la ogyahay.

Weerarku waxa uu noqonaya kiisii 3aad ay Shabaabku ka gaystaan Xerada Militariga Goofgaduud, muddo toban cisho gudahood.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo booqasho ku jooga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Arbacadii sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed uu dhawaan ka bilaaban doono wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc