Home Wararka Maanta Shabaab oo lagu go’doomiyay deeegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe

Shabaab oo lagu go’doomiyay deeegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in la go’doomiyay maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay ka soo gudubtay daanta galbeed ee Webiga Shabelle, si ay weeraro uga gaystaan waddooyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jalalaqsi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka, goobo kala duwana isaga kala yimid ayaa la sheegay in ay hareereeyeen maleeshiyada halkaasi ku sugan.

Ciidamada ayaa maanta dagaal culus la galay Shabaabka, oo ka dhex dagaalamaya dhulka hawdka ee ku teedsan webiga.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa dhowr jeer duqeeyay mintidiinta Al Shabaab, kuwaa oo la isku dayayo in dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka ay u furan tahay hal waddo oo keliya, waana waddada ay webiga uga tallaabi karaan daanta galbeed ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo horkacaya ciidamada ka soo dhaqaaqay duleedka degmadaasi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay soo afjari doonaan kooxaha argagixisada ee halkaasi lagu go’doomiyay.

Deegaanka Cali Fooldheere ayaa lagu sheegay dhul ay Shabaabku gabaad ka dhigan karaan, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah, in laga saarana ay muhiim u tahay xasilloonida labada gobol ee Hirshabelle.

Dhanka kale ciidamada ayaa lagu wadaa marka ay xaqiijiyaan amniga Cali Fooldheere in ay uga sii gudbaan dhanka deegaanka Ceelbaraf, oo hoostagga Degmada Mahadaay.

Qorshaha ayaa ah in ciidamada ay duleedka Ceelbaraf ka xiraan waddada gasha dhulka hawdka iyo midda kale ee tagta webiga.

Ceelbaraf oo qiyaastii 20km dhinaca qorax u dhac kaga beegan webiga ayaa la damacsan yahay in jihadeeda galbeed laga jaro marinka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan inay isaga kala gooshaan Gobolka Shabellaha Dhexe iyo deegaanada Galmudug.

Taliska Militariga ayaa u muuqdo mid culeyska ku sii kordhinaya mintidiinta lagu la dagaalamayo Gobolada Galgaduud & Mudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc