Home Dhacdooyin Shabaab oo lamaane ku dilay koonfurta Gobolka Mudug (Magacyada lamaanaha)

Shabaab oo lamaane ku dilay koonfurta Gobolka Mudug (Magacyada lamaanaha)

by Laacib

Mintidiinta Al Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday deegaanka Cammaara ee koonfurta Gobolka Mudug.

Mintidiinta ayaa la sheegay in dhowr iyo toban hoobiye ay ku garaaceen deegaankaasi, taas oo sababtay khasaare isugu jira naf iyo maalba.

Mid ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay guri ay deganaayeen qoys, iyadoona ay halkaasi ku dhinteen aabihii iyo hooyada qoyska. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil ay dhalleen.

Wararka ayaa sheegaya in madfacaasi uu burbur u gaystay gurigii ay deganaayeen qoyskaasi.

Lama soo sheegin cid kale oo wax ku noqotay madaafiicdaasi oo Shabaabku ay ku weerareen dhinaca Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Lamaanahan ayaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Cabdullaahi Sheekh iyo Dheeh Yuusuf Cabdullaahi, oo si weyn looga garanayay Cammaara.

Dhacdadan argagaxa badan ayaa noqotay tan ay ugu hadalhaynta badan yihiin dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa bartamihii bishii September ee sanadkii hore la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cammaara, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Shabaabka.

Shabaabka ayaa muddo dheer ka arriminayay Cammaara, waxaana hawlgalada ka socda gobolka looga saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen koonfurta gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc