Home Wararka Maanta Shabaab oo qaaday go’doomintii Magaalada Baydhabo

Shabaab oo qaaday go’doomintii Magaalada Baydhabo

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay Jimcihii qaadeen cunaqabateyntii dhaqaale ee ay dhawaan saareen magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay ganacsatada, milkiileyaasha gawaarida xamuulka iyo darawaladaba ku wargeliyeen in magaalada laga qaaday cunaqabateyntii saarneyd.

Sidoo kale maleeshiyadii Shabaabka ee ku sugnaa waddada Baydhabo iyo Buurhakaba, gaar ahaan deegaanka Mooda-moode ayaa la sheegay in ay gawaarida u fasaxeen safarkoodii Baydhabo.

Ma cadda waxa keenay in dib ay Shabaabka u fasaxaan gawaaridii ganacsiga geynaysay Baydhabo, balse ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in tani ay jawaab u tahay, ka dib markii maamulku uu bilaabay qorshe uu magaalada kaga saarayo xaasaska iyo carruurta Saraakiisha Shabaabka ee ku noollaa magaaladaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Khamiistii sheegay in ay si dhab ah ula dagaalami doonaan cid kasta oo xiriir iyo la macaamil la leh maleeshiyadaasi.

“Annaga iyo Shabaab wax wanaag, xiriir iyo dhaqan ah oo naga dhaxeeyo ma jiraan.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay Shirka Golaha Wasiirada ee maamulkiisa.

Madaxweynaha ayaa xilligaasi sheegay in maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeedba ay u diyaargaroobeen wejiga labad ee hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Baydhabo oo 11 maalmood go’doonsaneyd ayaa keentay in magaalada laga dareemo is bedel dhanka machiishadda, ka dib markii ay kordheen qiimihii wax la kala siisanayay.

Dadka reer Baydhabo ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay sicir bararka baahsan ee ka jiray suuqyada magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc