Home Wararka Maanta Shabaab oo qorsheynaya inay go’doomiyaan Magaalada Jowhar

Shabaab oo qorsheynaya inay go’doomiyaan Magaalada Jowhar

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay inay soo buuxdhaafsheen tuulooyinka darafyada kaga yaala Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, si ay u go’doomiyaan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay doonayaan inay magaalada ka joojiyaan quutul duruuriga uga yimaada goobaha ka baxsan magaaladaasi.

Inkastoo Shabaabku aanay ka hadlin ujeedada ay ugu soo qulqulayaan tuulooyinka hoostagga magaalada, haddana wararka ayaa sheegaya in qasdigoodu uu yahay, sidii ay xaalad dhaqaale uga abuuri lahaayeen magaaladaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle ayaa laga soo xigtay in ay xilli hore tahay in lagu hadaaqo in Shabaabku ay u socdaan go’doominta Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar, haddii aan illaa iyo hadda la soo warin wax gaadiid ah oo magaalada ku soo wajahnaa ay dib u celiyeen.

Ganacsiga Jowhar ayaa ku tiirsan raashiinka & shidaalka looga keeno Magaalada Muqdisho iyo xoolaha nool ee kaga yimaada dhanka Gobolka Hiiraan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Shabaabka ayaa toddobaadkii hore bilaabay in ay go’doomiyaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ka dib markii ay ganacsatada, milkiileyaasha gaadiidka xamuulka iyo darawalada ku amrayn inaanay wax ganacsi ahi gayn karin magaaladaasi, taas oo sicir barar ka abuurtay Baydhabo.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay diyaargarow ugu jirtay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc