Home Wararka Maanta Shabaab oo soo kubaareeyay Degmada Qoryooley

Shabaab oo soo kubaareeyay Degmada Qoryooley

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay soo kubaareeyeen degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyadu ay soo buuxdhaafisay deegaanada hoostagga degmadaasi iyo weliba waddooyinka soo gala.

Wax badan lagama oga sababta ay xilligan Shabaabku culeyska u soo saareen degmadaasi, waxayse imaanaysaa maalmo uun ka dib weerarkii xooganaa ee ay Jimcihii ka gaysteen degmada.

Shabaabka oo 1-dii bishan weerar ku galay degmadaasi ayaa waxaa Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo xoogaga madaniga ee degmada u suurtagashay in ay dib uga saaraan degmadaasi. Intii uu dagaalku socday ayaa waxaa jirtay duqayn dhinaca cirka ah oo lala eegtay maleeshiyadaasi.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in duqayntaasi oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay 30 ka mid ah mintidiinta Al Shabaab.

Dadka reer Qoryooley ayaa isla dhex maraya in Shabaabku ay doonayaan in ay go’doomiyaan degmadaasi, si la mid ah sanadihii 2015-2016, oo ay si ba’an u go’doomiyeen Qoryooley, dhaawacdayna wax soosaarkii tacabka beeraha ee degmadaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadii madaniga ee xilligaasi la sameeyay ay ku guuleysteen in ay go’doominta ka saaraan degmadaasi, ka dib markii ay bilaabeen in ay Shabaabku ku weeraraan goobihii ay ka go’doominayeen degmadaasi. Tani ayaana keentay in Shabaabku joojiyaan cunaqabateyntii ay ku hayeen Qoryooley.

Dhanka kale Shabaabka ayaa xalay fiidkii madaafiic ku weeraray Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin deegaanka Danow, oo hoostagga Degmada Qoryooley.

Wararka ayaa sheegaya in Militariga Uganda ee degan Danow iyo Qoryooley ay madaafiic xoog lihi kaga falceliyeen weerarkaasi.

Hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, ka gadaal markii hoobiye habow ahaa uu ku soo dhacay Degmada Qoryooley.

Dadka reer Qoryooley ayaa walaac dhanka amniga ahi ka muujinayo culeyska ay Shabaabku soo saareen degmadooda.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa sheegay inaanay aqbali doonin in Shabaabku ay qalqalgeliyaan amniga degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc