Home Wararka Maanta Shabaab oo u muuqdo mid si buuxdo looga sifeynayo daanta galbeed ee Gobolka Galgaduud

Shabaab oo u muuqdo mid si buuxdo looga sifeynayo daanta galbeed ee Gobolka Galgaduud

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa sii wada hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga sifeynayo dhulka hawdka ee dhaca xadka Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ayaa la sheegaya in ay isku fidiyeen inta badan dhulka miyiga ee dhaca daanta galbeed ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay burburiyeen barro ay maleeshiyadu ku laheyd halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu meelaha qaarkood ay iska caabin aan buurnayn kala kulmeen kooxaha argagixisada, isla-markaana ay ku daba joogaan firxadkoodii.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Gumac ayaa Arbacadii cagta mariyay goobihii ay maleeshiyada Shabaabka kaga sugnaayeen dhulka hawdka ee u dhaxeeya Degmada Ruunirgood iyo deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale cutubyo kale oo ka tirsan Guutada Gumac oo ay kaabayaan Guutada Khaalid Bin Waliid iyo Kumaandooska Danab ayaa isku fidinaya dhulka miyiga ee ka baxsan deegaanka Ceel-heele oo hoostagga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale raaca dambe ciidamada ee daba socda Ciidanka Kumaandooska Danab & Gorgor ay ku sii siqaya deegaanka Cowsweyne oo hoostagga Degmada Galhareeri ayaa la sheegaya in ay maanta dagaal culus maleeshiyada Shabaabka kula galeen dhulka fog hawdka ee u dhaxeeya deegaanada Baraagta Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey.

Wararka ayaa sheegaya in garab ka mid ah raaca dambe ee ciidamada ay weerareen fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen dhulka miyiga, qaybaha dambe ciidamadana ay daba socdaan raaca hore ee kulaalaya Cowsweyne.

Ciidamada ayaa isku dayaya in ay Shabaabka ka kiciyaan hawdka lama deggaanka ee ku teedsan Cowsweyne, oo Shabaabku ku leeyihiin difaac weyn oo ay ka difaacayaan Galhareeri iyo Ceelbuur.

Ka hor inta aanu hawlgalkan bilaaban ciidamada ayaa farriisimo ka sameystay hawdka dhaca xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, taas oo meesha ka saartay gurmadkii ay Al Shabaab ka heli jirtay Gobolada Koonfureed, keentayna in la go’doomiyo Shabaabka Gobolada Dhexe.

Si loo yareeyo khasaaraha ciidamada, ciidamada ayay tahay inay geed geed u xaqiijiyaan amniga dhulka miyiga, ka hor inta aanay gudaha u gelin deegaanada iyo magaalooyinka la doonayo in kooxaha argagixisada laga saaro.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay inaysan ciidamadu la wareegi doonin degmooyinka iyo deegaanada la doonayo in la xoreeyo, iyadoo ciidamadu aanay Shabaabka hubeysan ka sifeyn dhulka hawdka, si aanay hadhow dib isaga soo abaabulin, weerarana uga gaysan goobaha la xoreeyay, sida marar badanba dhacday.

Saraakiisha Militariga ayaa qorshahan u arka kan ugu macquulsan ee haatan lagu xasillin karo magaalooyinka iyo deegaanada ay ciidamadu la wareegaan, muddo koobana ay ciidamadu ku wiiqi karaan cududdii Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayuu yoolkiisu yahay in si dhab ah loo wiiqo Shabaab, si loo gaarsiiyo heer aanay khatar ku ahayn amniga bulshada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc