Home Wararka Maanta Shabaab oo weerar culus ku ekeeyay deegaanka Cowsweyne

Shabaab oo weerar culus ku ekeeyay deegaanka Cowsweyne

by Laacib

Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Cowsweyne, oo hoostagga Degmada Galhareeri.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo deegaankaasi, ciidamadana ay isku dayayaan inay dib u caabiyaan maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray fariisimaha ciidamada ku leeyihiin deegaankaasi, ka dibna uu halkaasi ka bilowday dagaal fool ka fool ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr qarax oo kale halkaasi laga maqlay, ka hor inta aanay dagaalka qayb ka noqon diyaaradaha dagaalka.

Diyaaradaha ayaa la sheegaya inay gacan ka gaysanayaan, sidii maeeshiyada loogu celin lahaa goobihii ay iska soo abaabuleen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabka ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Bargaan, oo hoostagga Degmada Galhareeri, waana deegaankii ay Talaadadii uga baxeen Cowsweyne, markii ciidamadu la wareegayeen.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ka careysan culeyska weyn ee ay ciidamadu soo saareen deegaanada ay ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Qorshaha socda ayaa ah in ciidamada oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ay maleeshiyada ka saaraan deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Ciidamada ayaa Jimcihii oo ugu dambeysay la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur. Shabaabka ayaa Ceelbuur ku lahaa saldhigooda ugu weyn ee bartamaha dalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka Cowsweyne.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc