Home Wararka Maanta Shabaab oo weerar culus ku galay deegaanka Ceel La-helay

Shabaab oo weerar culus ku galay deegaanka Ceel La-helay

by Laacib

Mintidiinta Al Shabaab ayaa galabta weerar ballaaran ku galay deegaanka Ceel La-helay, oo dhaca waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa dhowr jiho ka weeraray Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee degan deegaankaasi, oo jihada bari kaga toosan Magaalada Ceelbuur.

Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu ku bilowday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, uuna xigay dagaal fool ka fool ah.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay dib uga gurteen deegaankaasi, isla-markaana ay aadeen dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay bilaabeen in ay dhanka cirka ka garaacaan kooxaha argagixisada, taas oo ku khasabtay in ay deegaanka isaga baxaan, iyagoo meydadkooda jiidanaya.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo gurmad ka helay ciidamada degan duleedyada Magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa dib ugu laabtay deegaankaasi.

Dagaalka oo ahaa mid si weyn looga dareemay deegaankaasi ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah.

Ma cadda inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay, haddana waxaa la sheegaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawacba badan oo labada dhinac ah.

Dhaawacyada askarta ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo xaaladooda lagu la tacaalayo.

Al Shabaab ayaa sheegatay in maleeshiyadeeda ay dagaalka ku dileen 71 askari, warkaas oo aanay jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.

Weerarka ayaa imaanaya, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa difaaca shacabka ay 6-dii bishan dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceel La-helay.

Shabaabka ayaa isku dayaya in ay fashiliyaan gulufka militari ee ka socdo Gobolada Dhexe, lana doonayo in looga saaro goboladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc