Home Wararka Maanta Shabaab oo weerar culus ku galay deegaanka Nuur Dugle

Shabaab oo weerar culus ku galay deegaanka Nuur Dugle

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saaka weerar culus ku galay deegaanka Nuur Dugle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in mintidiinta Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal culus uu ka soconayo deegaankaasi, ciidamaduna ay isku dayayaan inay dib u caabiyaan maleeshiyadaasi.

Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay in maleeshiyadoodu ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta sheegashada Al Shabaab, iyadoona isgaarsiintu ay tahay mid ciriiri ah, balse wararka laga helayo deegaanada ku dhow dhow deegaankaasi ayaa sheegaya in weli halkaasi rasaas laga maqlayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gurmadyo Ciidanka Xoogga Dalka ah, oo ka kala baxay aagga Degmada Ruunirgood iyo Masaajid Cali Gaduud ay ku sii jeedaan deegaankaasi.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya in ay fashiliyaan abaabulka iyo diyaargarowga ciidan ee la doonayo in lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

Isniintii ayay ahayd, markii Shabaabku ay weerar xoogan ku galeen deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe, inkastoo ciidamadu ay markii dambe dib uga riixeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc