Home Wararka Maanta Shabaab oo weeraray goob ay tacsi ka socotay Degmada Diinsoor

Shabaab oo weeraray goob ay tacsi ka socotay Degmada Diinsoor

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maanta weerareen goob ay ka socotay tacsi oo ku taala degmadaasi.

Tacsidan ayaa loo dhigayay laba askari oo shalay ku baxay gacanta maleeshiyadaasi. Askartan oo ka tirsaneyd Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ka timid Magaalada Baydhabo, iyagoona doonayay in safar dhinaca dhulka ku taggaan Diinsoor, balse ay ku soo dhaceen marin ay mintidiinta Al Shabaab ku sugnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad Shabaab ah oo lugeynaya ay magaalada ka soo galeen dhanka waddada ka timaada deegaanka Yaaq-baraawe, sidaana ay ugu suurtagashay in weerarka ka gaystaan goobtii ay tacsida ka socotay.

Wararka ayaa sheegay in ciidamo goobta ku sugnaa iyo kuwa kale oo gurmad ku yimid ay iska caabin adag kala hortaggeen maleeshiyadaasi, dibna ay magaalada uga saareen dhinaca koonfureed.

Isla dhanka koonfurta magaalada, xaafad ku taala ayaa waxaa isku fara-saaray Shabaab kale oo lugeynaya iyo ciidamada amniga.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada ay mar kale u suurtagashay in maleeshiyadaasi ay dibadda uga saaraan magaalada.

Dhanka kale Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa la soo sheegaya in xilligan ay isku horfadhiyaan dhanka galbeed ee magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaano Isku-darka, oo ay ka baxaan baabuurta aadda Degmooyinka Baardheere iyo Qansaxdheere.

Ciidamada Militariga ayaa la filayaa inay xoojiyaan ciidamada ku sugan jiidda galbeed ee magaalada, si halkaasi looga kiciyo Shabaabka ku sugan.

Ilo dhanka amniga ah ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidamada ammaanka aanu jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray iska horimaadyada ka dhacay koonfurta magaalada, ha yeeshee ay Shabaabku horey u sii qaateen tiro meydad iyo dhaawacyo ah.

Waa mid ka mida isku dayadii ugu waaweynaa ee ay maleeshiyadaasi ku qalqal-gelinayaan amniga magaalada, tan iyo markii laga saaray magaaladaasi muddo haatan laga joogo sideed sano.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Ex AMISOM) ayaa daba-yaaqadii bishii July ee sanadkii 2015 la wareegay gacan ku haynta Diinsoor.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc