Home Wararka Maanta Shabaab oo weeraray saldhig kale oo Ciidanka ATMIS banneeyeen

Shabaab oo weeraray saldhig kale oo Ciidanka ATMIS banneeyeen

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa goor dambe oo xalay ahayd weeraray Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Arbacow, oo ku dhow deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku taala waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaab lugeynaya ay weerar xoogan ku ekeeyeen xeradaasi, iyadoona daryanka sawaxanka ee hubkii dagaalka la isku adeegsanayay laga maqlayay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Xerada Arbacow oo dhawaan la dejiyay Ciidanka Polizia Militare ee Xoogga Dalka ayay dadka deegaanku sheegeen in ay si weyn isaga caabiyeen weerarkaasi, Shabaabkii weerarka soo qaadayna ay mar dambe ku khasbeen in ay dib u gurtaan.

Wax badan lagama oga khasaaraha uu gaystay weerarku, iyadoona Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al Shabaab aanay weli ka hadlin weerarkaasi.

Xerada Arbacow ayaa waxaa dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaa oo uu saameeyay qorshaha uu Taliska ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii labaad oo Shabaabku ay ku qaadaan saldhigyadii ay toddobaadyo ka hor ka baxeen Militariga ATMIS, lana wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Shabaabku ay weerar culus kula wareegeen Xerada Militariga Gariley ee Gobolka Gedo, oo iyana ay banneeyeen Ciidanka Kenya ee ka tirsan Hawlgalka ATMIS, inkastoo saacado ka dib ay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay dib Shabaabka uga saareen deegaankaasi.

Labadan saldhig ayaa ka mid ah illaa toddobo saldhig oo dhammaadkii bishii June ay banneeyeen Ciidanka ATMIS.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc