Home Wararka Maanta Shabaab oo weeraray xero ciidan oo uu ku sugnaa Wasiirka Amniga Jubbaland

Shabaab oo weeraray xero ciidan oo uu ku sugnaa Wasiirka Amniga Jubbaland

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa hoobiyeyaal ku weeraray xero ciidan oo ku taala Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, xilli ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo masuuliyiin kale oo Talaadadii gaaray degmadaasi.

Xerada la weeraray ayaa waxaa degan Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ka dib uu halkaasi dagaal ku dhex maray Militariga Kenya iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhowr qarax iyo rasaas xoogan oo ka dambeysay.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoona illaa iyo hadda aysan jirin wax war ah oo dhinacyada ka soo baxay.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo safarka ay ku wehlinayaan xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, General Cabaas Ibraahim Gurey ayaa Ceelwaaq geeyay dareys loogu talagalay in loo qaybiyo ciidan cusub oo billihii la soo dhaafay uu tababar uga socday degmadaasi.

Sidoo kale saacadaha soo socdo ayaa lagu wadaa in diyaarad sidda qalabkii loogu talagalay ciidankaasi ay gaarto Degmada Ceelwaaq.

Ciidamadan oo ku biiraya Daraawiishta Jubbaland ayaa la qorsheynaya in ay la wareegaan amniga degmadaasi, maadaama Ciidanka Kenya ay dhawaan dib ugu laabanayaan dalkooda.

Militariga Kenya ayaa waxaa saameeyay qorshaha ATMIS ay ku yareyneyso tirada ciidamada ka jooga dalka.

Militariga Kenya ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Degmada Ceelwaaq.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc