Home Wararka Maanta Shabaab oo xaalad ka abuuray waddada Jowhar iyo Muqdisho

Shabaab oo xaalad ka abuuray waddada Jowhar iyo Muqdisho

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa xaalad amni darro ka abuuray waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ka dib markii ay soo saldhigteen deegaanka Qalimow oo isku xira Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maleeshiyadan ayaa Arbacadii shalay waxay waddada Qalimow ka kaxeysteen illaa toban gaari oo dad rakaab ah ay la socdeen, mid ka mida uu qaad u siday Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay gaadiidkaasi iyo rakaabkii la socdayba ay geeyeen deegaanka Basra, oo ku taala waddada xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Shabaabka ayaa dib u xoriyadooda u siiyay qaar ka mid ah dadkii socotada ahaa, halka qaarka kalena ay ku hayaan deegaankaasi

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka ay Shabaabku ku reebteen Basra ay ku jiraan dad ganacsato ah.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in mintidiinta lagu arkayo deegaanka Qalimow, oo muhiim u ah isu socodka Balcad iyo Jowhar.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka ku safra waddada Jowhar iyo Muqdisho, oo billihii ugu dambeysay ay soo badanayeen dadka ku safra waddadaasi.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan weli ka hadlin Shabaabka hubeysan ee soo degay waddada Qalimow.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc