Home Wararka Maanta Shabaab oo xiisad dhaqaale ka abuuray Baydhabo, ka dib markii ay go’doomiyeen

Shabaab oo xiisad dhaqaale ka abuuray Baydhabo, ka dib markii ay go’doomiyeen

by Laacib

Awaamiir ka soo baxday Ururka Al Shabaab ayaa lagu go’doomiyay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Tan iyo 9-kii bishan ayaa waxaan Magaalada Baydhabo iman gaadiidkii xamuulka ee badeecooyinka ganacsiga keeni jiray magaaladaasi.

Al Shabaab ayaa la sheegay in ay ganacsatada, milkiileyaasha iyo darawalada gaadiidka ku amartay inaanay hadda ka dib wax ganacsi ah keeni karin magaalada, illaa amar dambe, taas oo sida muuqata shaqeysay.

Magaalada ayaa waxaa laga dareemay is bedel dhanka machiishadda, ka dib markii ay kordheen qiimihii wax la kala siisan jiray.

Tani ayaa ka dhigan in Shabaabku aanay si toos ah u go’doomin Magaalada Baydhabo, haddii aanay maleeshiyadoodu ku sugnayn waddooyinka soo gala magaaladaasi, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay ku sugan yihiin meelo ka mida waddada dheer ee xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba ee tagta Caasimadda Muqdisho.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, Maamulka Gobolka Baay, kan degmada iyo laamaha amniga ayaa Sabtidii magaalada ku yeeshay shir looga hadlayay xaaladda ku soo korortay magaaladaasi.

Kulanka ayaa laga soo saaray go’aamo ka dhan ah cid kasta oo Shabaabka u fududeynaysa, sidii ay u sii shaqayn lahayd go’doomintoodan.

Gudoomiyaha Gobolka Baay, Cabdifitaax Maxamed Ibraahim ayaa sheegay inaanay aqbali doonin in Shabaabku ay cunaqabateeyan gobolkiisa.

Gudoomiyaha ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay ugu talagaleen in ay dhibaateeyaan dadka reer Koonfur Galbeed, maxaa yeelay buu yiri deegaanada kale oo dhan waxaa ka wada socda howlihii caadiga ahaa.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi ayaa ku hanjabay in ay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo lagu helo la macaamilka Al Shabaab, isaga oo uga la jeeda ganacsatada.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan hawlgalo uu sheegay in Shabaabka looga sifeynayo deegaanada Koonfur Galbeed, isagoona ciidamada faray in ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka.

“Shabaab meel kasta oo Somaliya ka mid ah oo aysan dhibaato ka wadin ma leh, laakiin marka loo fiiriyo Koonfur Galbeed, waxaad arkaysaa in waxyaabo gaar ah ay ku hayaan, taasna Shabaab kuma hayo ee dadka deegaanada Koonfur Galbeed iyagaa isku hayo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Jidad ayaa xiranaa lagu leeyahay, jidad xirana ma leh, mootaa marto, baabuuraa maro. Marka waxaa muuqato dacaayad iyo afka inay ka xiran yihiin.”

Cabdifitaax Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa ganacsatada Baydhabo uga digay inaanay quutul duruuriga ku iibin karin sicir ka bedelin midkii hore, cid kasta oo amarkooda jebisana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Bulshada Baydhabo ayaa ka cabanaysa sicir bararka maalinba maalinta ka dambeysa ku sii kordhaya magaalada.

Dadka reer Baydhabo ayaa markii hore la daallaa dhacayay biilasha korontada iyo biyaha, iyadoo tanina ay culeyska ku sii kordhineyso nolol maalmeedkooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc