Home Wararka Maanta Shabaabka Gobolada Dhexe oo hal waddo oo keliya ay u furan tahay

Shabaabka Gobolada Dhexe oo hal waddo oo keliya ay u furan tahay

by Laacib

Marka aad eegto istiraatiijiyadda dagaal ee lagu wajahayo maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolada Dhexe ayaa waxaa garwaaqsaneysaa in maleeshiyadaasi uga dhammaatay bartamaha dalka.

Qorshaha dagaal ee socda ayaa ah in marka hore maleeshiyada si buuxdo looga ciribtiro deegaanada iyo magaalooyinka ay ka maamulaan dhulka Galmudug, ka dibna ay ciidamadu wiiqaan cududda ciidan ee maleeshiyada Hirshabelle.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee is garabsanaya ayay tahay inay si saf ballaaran u xaqiijiyaan amniga deegaanada miyiga iyo dhulka hawdka, ka dibna ay qabtaan magaalooyinka iyo deegaanada loo socdo.

Qorshahan dagaal ayaa Shabaabka ka horjoogsan doono weeraradii dhaba galka iyo go’doomintii ay ku samayn jireen magaalooyinka iyo deegaanada laga xoreeyo.

Dowladda Federaalka waxay sheegtay inaanay ciidamadu la wareegi doonin deegaanada iyo degmooyinka muhiimka ah, iyadoo aan kooxaha argagixisada laga sifeyn dhulka miyiga iyo hawdka lama deggaanka ah.

Ciidamada ayaa la faray in ay god kasta uga daba galaan Shabaabka, iyagoo ay horboodayaan xoogaga deegaanka ee la abaabulay, dhulkana kala garanaya.

Shabaabka ayaa la sheegaya in durbaba ay dareemeen saameyn mug leh oo uu ku yeeshay wax ka bedelka lagu sameeyay qorshihii dagaal ee muddada dheer lagu la dagaalamayay.

Tani ayaa ka dhigan in Shabaabku ay u furan tahay hal waddo oo keliya, taas oo ah in ay isaga baxaan goobaha duulaanka lagu yahay, ka hor inta aanay gaarin gacanta ciidamada amaba aanay haleelin gantaalaha diyaaradaha dagaalka ee dul-hoganaya.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qorshaha u degsan uu yahay in ciidamadu ay cagta cagta u saaraan Shabaabka, si hawlgalka tijaabada ee ka socda Galmudug, lana filayo in uu guuleysto loogu baahiyo deegaanada kale, ee ay mintidiintu kaga harsan yihiin bartamaha dalka.

Khubarada militarigu waxay hawlgalkan ku sheegeen kiisii ugu ballaarnaa ee ay la kulmaan Shabaabka Gobolada Dhexe.

Haddii Shabaabku ay muddo dheer daadinayeen dhiigga shacabka Soomaaliyeed, hadda waa kalkoodii, ciidan la carbiyay baana cir iyo dhulba ka weeraraya.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc