Home Wararka Maanta Shabaabka Gobolka Mudug oo la hareereeyay iyo hawlgalka oo galay wejigii ugu dambeeyay

Shabaabka Gobolka Mudug oo la hareereeyay iyo hawlgalka oo galay wejigii ugu dambeeyay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in hawlgalka ka socda gobolkaasi uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee lagu soo geba-gabeynayo joogitaankii maleeshiyada Al Shabaab ee gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maleeshiyada ka saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen gobolkaasi, haatana ay ku harsan yihiin deegaano faro ku tiris ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii qabtay deegaanka Bacaadweyne iyo kuwii kale ee la wareegay deegaanka Cammaara ee isugu tegay Cammaara ay hadda cagta saareen waddada aadda deegaanka Caad. Caad waa deegaanka ugu muhiimsan ee xilligan Shabaabka uga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi, marka laga soo taggo deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xarardheere.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamada ku wajahan Caad ay la hawlgalayaan ciidamo kale oo ka soo socda dhinaca Xarardheere, iyadoona la doonayo in labada ciidan ay meel dhexe isugu yimaadaan, isla-markaana ay isku furaan waddada.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada ka ruqaansaday Xarardheere ay tahay inay la wareegaan deegaanada Dhalwo iyo Jowle, kuwa kale ee ku socda Caad-na ay tahay inay qabtaan deegaanada Eryaal iyo Miiroon.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka oo ay kaabayaan Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inay ku sii gurguuranayaan deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo, waana wejigii ugu dambeeyay ee gulufka ballaaran ee lagu soo afjarayo maleeshiyada Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay jareen waddooyinka gala deegaanada ay Shabaabku ku sugan yihiin, isla-markaana ay deegaanadaasi ka go’doomiyeen gobolka intiisa kale.

Ilo wareedyadu waxa kaloo ay sheegayaan inaanay jirin cid u gudbi karta goobahaasi iyo cid kaloo hubeysan oo ka soo bixi karta, Shabaabkana ay u furan tahay inay isa soo dhiibaan amaba inay dhintaan, iyagoo dagaalamaya.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabka ay u furan tahay hal waddo, waana waddada wareegga ee Caad illaa Jowle ee tagto Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada hareereeyay deegaanadaasi ayaa waxaa dhanka cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, oo door muhiim ah ka ciyaaraya istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu Gobolka Mudug noqon doono, gobolkii ugu horreyay ee si dhameystiran looga saaro Al Shabaab.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ciidamada ay intaasi ka dib u gudbi doonaan dhanka Gobolka Galgaduud, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in Shabaabka looga kiciyo gobolkaasi.

Gulufkan ayaa waxaa door muuqda ka qaadanaya Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay Degmooyinka Wisil iyo Baxdo, waana Xerta Ahlu Sunna oo ciidamada ka caawisay dagaaladii ay Sabtidii iyo Axaddii Shabaabka kaga saareen deegaanada Qodqod iyo Bacaadweyne. Shabaabka ayaa deegaanadaasi ka sameeyay iska caabin xoogan, oo ay ku doonayeen in ay ku difaacdaan, balse ay ku hungoobeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku foogan dagaalkan ay tahay in lagu wiiqo Al Shabaab ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo hawlgalada.

Madaxweynaha ayaa la tilmaamay in waqtigiisa uu iminka ku bixinayo isku dubaridka iyo dardargelinta hawlgalka militari ay ciidamadu ka wadaan bartamaa dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay ka adkaan doonto Shabaabka, ka dib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc