Home Wararka Maanta Shabaabka ku go’doonsan Gobolka Shabellaha Dhexe oo xaaladda lagu sii adkeeyay

Shabaabka ku go’doonsan Gobolka Shabellaha Dhexe oo xaaladda lagu sii adkeeyay

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa culeyska ku sii kordhinaya maleeshiyada Al Shabaab ee ka dagaalamaya inta u dhaxeyso Degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Mintidiinta ayaa la sheegay in dhawaan ay soo saldhigteen deegaanka Cali Fooldheere, ka dib markii ay ka soo gudbeen daanta galbeed ee Webiga Shabelle. Mintidiinta ayaana la sheegaya in ay u yimaadeen deegaankaasi, sidii ay qalqal amni uga samayn lahaayeen deegaanada Hirshabelle.

Maleeshiyada Shabaab oo culeys weyn uu ka soo fuulay dhanka ciidamada iyo duqaymaha dhinaca cirka ayaa waxay toddobaadkii hore bilaabeen inay galaan godad ay ku sii diyaarsadeen dhulka beeraha ee Ciid Ciidka ama Jimbilow.

Ciidamada ayaa saddex jiho kaga hareereysan maleeshiyadaasi, iyagoona isku dayaya in ay soo afjaraan.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay u furan tahay hal waddo oo qura, waana waddada ay dib ugu tallaabi karaan webiga, si ay ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen, balse aanay doonayn inay dhulkaasi banneeyaan.

Shabaabka waxa ay khatarta badan ugu bareerayaan ayaa ah, sidii ay u sii joogi lahaayeen dhulka la doonayo in laga saaro.

Shabaabka ayaa la sheegay nafta inay duldhigeen goobaha ay ka dagaalamayaan, oo lagu sheegay aagag ku wanaagsan gabaadka, isla-markaana ay ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa Isniintii dagaal culus la galay maleeshiyadaasi, iyagoo sidoo kalena hoobiyeyaal ku garaacay godadka ay ka dhex dagaalamayaan.

Caqabadda ugu weyn ee ciidamada ka hortaagan in maleeshiyadaasi soo afjaraan ayaa lagu sheegay miinooyin ay Shabaabku ku aaseen hareeraha godadka ay qaarka hoose kula jiraan.

Agaasimihii Amniga ee Degmada Mahadaay, Cabdi Maxamuud Cali iyo nin askari ahaa ayaa la sheegay inay shalay ku geeriyoodeen qarax ay Shabaabku ku aaseen meel ku dhow mid ka mid ah godadkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay, Saalax Axmed Abuukar ayaa sheegay in khasaare xoogan la gaarsiiyay maleeshiyada halkaasi ku sugan, oo mar sii horreysay tiradooda lagu sheegay illaa saddex boqol oo nin.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay jiraan xubno badan oo Shabaab ah oo dagaalka lagu dilay, isla-markaana ay meydadkooda ku qurmeen aagagga ay ka dagaalamayaan.

Bashiir Xaaji Mukhtaar Axmed (Sitey), Abaanduulaha Guutada 4aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay saacadaha soo socda soo afjari doonaan maleeshiyadaasi.

“Maleeshiyadu waa naf la caari, waana nimankaad ogayd ee dhagarta badnaa, saacadaha soo socda waa laga saaraya halkaasi, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Abaanduulaha.

Korneyl Cali Xuubey oo ka tirsan Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, hawlgalkana hoggaaminaya ayaa ku goodiyay in ay awood ku maquunin doonaan kooxaha argagixisada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii Shabaabka hubeysan looga kicin lahaa aagagga ay kaga sugan yihiin dhanka bari ee webiga jiinkiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc