Home Wararka Caalamka Shacab ka careysan dilka loo gaystay la haysteyaasha oo bannaanbax ka dhigay Tel Aviv

Shacab ka careysan dilka loo gaystay la haysteyaasha oo bannaanbax ka dhigay Tel Aviv

by Laacib

Kumanaan qof oo Israeliyiin ah ayaa xalay isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Tel Aviv, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in Ciidamada Israel ay u badan tahay in ay dileen 5 ka mid ah la haysteyaasha lagu haysto Marinka Gaza.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay inay la’yihiin xiriirka koox u qaabilsaneyd ilaalinta 5-taasi la hayste.

Afhayeenka ayaa xusay in ay aaminsan yihiin in dadkaasi lagu dilay duqayn ay Ciidamada Israel ka gaysteen Gaza. Saddex ka mid ah dadkaasi ayuu ku kala sheegay Haim Perry, Yoram Metzger iyo Amiram Kober, kuwaa oo odayaal da’ ahaa, 18-kii bishaana ay muuqaalkooda baahiyeen, iyagoo codsanaya in Israel ay joojiso duqaymaheeda Gaza, si iyagoo nool ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Dadka xalay isugu soo baxay Magaalada Tel Aviv ayaa ku baaqaya in xukunka laga tuuro Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo ay ku eedeeyeen fashilka dowladeed ee horseeday weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay Israel iyo in hadda uu leynayo dadkii ka badbaaday weerarkaasi, balse afduubka loogu haysto Gaza.

“Netanyahu wuxuu doonaya dagaal aan dhammaad lahayn, isla-markaana aan lahayn wax jadwal ama yoolal cad.” Ayay dibadbaxayaasha u sheegeen Warbaahinta gudaha.

Dibadbaxayaasha oo ay horkacayaan qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada, illaa iyo inta iyagoo nabdoon guryahooda looga soo celinayo xubnaha maqan.

Dadkan ayaa doonaya in maamulka uu wada hadal la bilaabo Ururka Xamaas, si mar kale loo gaaro heshiis maxaabiis is dhaafsi ah.

Dhanka kale Osama Hamdan, Afhayeenka Xafiiska Siyaasadda ee Ururka Xamaas ayaa sheegay in Raysal Wasaare Netanyahu uu ku guuldareystay in maamulkiisu uu Gaza ka gaaro hadafkooda dagaalka.

Afhayeenka ayaa sheegay inaanay wax wada xaajood ah ka geli doonin maxaabiista, illaa iyo inta uu socdo duulaanka Israel ee Gaza.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Israel aysan xoog ku soo furan karin la haysteyaasha, guryahoodana ay dib ugu laaban doonaan, marka Israel ay joojiso xasuuqa ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Israeliyiinta ayaa maamulka ku cadaadinaya in ay waddo kasta u maraan, sidii ay dib qoysaskooda ula midoobi lahaayeen dadkii ay Xamaas ku qafaalatay weerarkii 7-dii October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc