Home Wararka Caalamka Shacabka Israel oo ku dhegan Raysal Wasaare Netanyahu

Shacabka Israel oo ku dhegan Raysal Wasaare Netanyahu

by Laacib

Shacab ka careysan dilalka sii kordhaya ay Ciidamada Israel la haysteyaasha ugu gaysanayaan Marinka Gaza ayaa isugu soo baxay Magaalada Tel Aviv iyo galbeed Qudus (Jerusalem).

Shacabka Israel ayaa mar kale ka gadooday warka sheegaya in ciidamadu ay Sabtidii duqayn ku dileen askari maxbuus ahaa, oo lagu hayay gudaha Gaza.

Jabhadda Xoreynta Falastiin ee PFLP ayaa sheegtay in Ciidanka Kumaandooska Israel ay doonayeen inay xoog ku soo furtaan askarigaasi, balse ay ku guuldareysteen, ka dibna ay diyaarad dagaal beegsatay halkii lagu hayay.

Qoysaska iyo ehelada maxaabiista oo ay wehlinayaan kumanaan qof oo shacab ah ayaa Tel Aviv iyo galbeedka Jerusalem ka wada mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waaweynaa ee looga soo horjeedo khatarta ay ciidamadu gelinayaan nolosha la haysteyaasha.

Dibadbaxayaasha ayaa Warbaahinta Israel u sheegay inaanay Xamaas iyo xoogaga kale ee iska caabinta uga cabsi qabin inay dilayaan maxaabiista, balse ay ciidamadoodu yihiin kuwo nolosha u diidan dadkaasi.

Mar kasta oo Israel ay xoojiso duqaymaheeda Gaza, waa mar kasta oo la haysteyaasha ay halis ugu jiraan inay dhintaan.

Dibadbaxayaasha ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku cadaadinaya in wada hadal lala bilaabo Xamaas, si ay u suurtagasho in la haysteyaasha ay guryahooda dib ugu soo laabtaan iyagoo badqaba.

Israeliyiinta ayaa si weyn uga walaacsan nolosha quusta ah ay wajahayaan maxaabiista, ha yeeshee Raysal Wasaaraha ayaa la leeyahay uma muuqdo mid ka garaabaya walaacooda.

Netanyahu ayaa Isniintii ku hanjabay in ay dardargelin doonaan dagaalka Gaza, xoogna ay ku soo furan doonaan dadka looga haysto.

Maaha markii ugu horreysay oo Ciidamada Israel ay dilaan xubno ka mid ah la haysteyaasha ay xoogaga wax iska caabinta ku haystaan Marinka Gaza.

Xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa dadkan ku soo qafaashay weerarkii aan noociisa horey loo arag, ee ay Xamaas 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc