Home Dhacdooyin Shacabka oo lagu amray inay ka baxaan inta badan deegaanada koonfurta Gobolka Mudug

Shacabka oo lagu amray inay ka baxaan inta badan deegaanada koonfurta Gobolka Mudug

by Laacib

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Mudug ayaa digniin u jeediyay shacabka ku dhaqan inta badan deegaanada dhaca koonfurta gobolkaasi, si ay uga baxaan goobaha la doonayo in hawlgalada ay dib uga bilowdaan.

Taliyaha Ururka 3aad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Cali Axmed Cagey ayaa shacabka faray in ay banneeyaan inta u dhaxeyso deegaanada Jowle, Dabagalo, Cammaara, Bacaadweyne, Caad iyo Baraag Cali Gaduud.

Taliyaha ayaa shacabka ku wargeliyay in ay haystaan muddo 48 saac ah oo dhulkaasi ay uga guuri karaan.

“Dadka shacabka ah ee ku nool inta u dhaxeyso Dabagalo, Jowle, Cammaara, Bacaadweyne, Caad iyo Baraag Cali Gaduud waxaan leeyahay haka baxaan, 48 saac ayay haystaan ee haka baxaan.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa dadka deegaanka ugu yeeray inaanay qaadan awaamiirta maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana dadkii ay Shabaabku ku amrayn inay ka baxaan deegaanka Baraag Ismaaciil ee aaday dhanka deegaanka Miiroon ay ka doonayaan inay iyana dhulkaasi isaga baxaan.

“Nabadoonada deegaanka ee qaaliga ah ee dadkaasi metelo baaqa aan soo dirayo hala maqashiiyo oo hala gaarsiiyo. Dadkii guuray ee gudaha u guuray iyo kuwii horeyba u deganaa waxaan leenahay meeshaasi ha laga baxo.” Ayuu yiri Dhamme Cali Axmed Cagey, Taliyaha Ururka 3aad ee Kumaandooska Gorgor.

Taliyaha ayaa yiri “Shabaab waa target, haddana waa geba-gabadii. Waxaan qaadaynaa tallaabo kasta oo cadowga aan ku naafayn karno, hadday tahay dhul iyo cir.”

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Degmada Xarardheere ayuu yiri “Madfac kasta oo la tuuro ma kala yaqaano kan waa shacab iyo kan waa Shabaab. Nimanka dhex degan Shabaab ee dhex guurayo ee hawdka sii gelayo waxaan leenahay banneeya.”

Waxa uu dadka rayidka ah uga digay inay gabaad u noqdaan kooxaha argagixisada, isagoona ku adkeeyay inaanay ku bixin gacanta Ciidamada Qalabka Sida.

“Dhulka cadowga joogo, ciddii degan waxaan leenahay 24 saac ha uga baxdo, 24 saac ka dib waxaa bilaaban doono hawlgalkaasi. Ciddii ay wax ku gaaraan hadhow yaanan na loogu imaanin, waan-waan iyo xaajana ma jirto.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Ugu dambayn waxa uu yiri “Waxaan ku jirnaa dagaal, Soomaalinimadu uma baahno gorgorton, halganka lagu jirana hagardaamo uma baahno. Waxaan si cad ugu sheegaya dadka ku nool deegaanadaas waxaa ka dhici doono hawlgal, Insha’Allah aan rabno cadowga inaan ku kala baxno. Dadka ay u qaxinayaan xagooda ay doonayaan inay ka dhigtaan gabaad, si ay uga gambadaan wixii ku dhici lahaa, waxaan leeyahay walaalahay haka baxaan, haka baxaan, haka baxaan.”

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere, Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in hawlgalkan uu noqon doono mid si dhamesytiran xididada loogu siibi doono Shabaabka gobolka.

11-kii bishan ayay ahayd, markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ay dib uga soo gurteen deegaano dhowr ah, oo ay kaga sugnaayeen koonfurta gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc