Home Wararka Caalamka Shacabka Yemen oo si weyn u taageeray weerarada lagu gubayo maraakiibta

Shacabka Yemen oo si weyn u taageeray weerarada lagu gubayo maraakiibta

by Laacib

Mallaayiin qof oo dadka reer Yemen ah oo isaga kala yimid xaafadaha Magaalada Sanca iyo deegaanada ku xeeran ayaa Jimcihii socod ku soo maray waddooyinka waaweyn ee Caasimadda Sanca.

Shacabka kale ee ku nool magaalooyinka ay Xuuthiyiintu maamulaan, sida Sacda (Saada) iyo Hudaydah ayaa bannaanbax sameeyay, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan shacabka Falastiiniyiinta, waana xilli Xoogaga Xuuthiyiinta ay si wadaan gantaalaha ay ku garaacayaan maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in mallaayiinta qof ay isu soo baxooda sameeyeen Jimcihii ugu dambeeyay ee bisha Shacbaan.

Fagaaraha Al-Sabeen ee magaalada caasimadda ah ee Sanca ayaa ahayd xudunta goobta ay isugu yimaadeen dibadbaxayaasha ugu badan, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay goobta yimaadeen, iyagoo ku hubeysan qoryo iyo toorey.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay “Waxaan dhiigayna u huraynaa Gaza, waxa soo socdo ayaa ka daran, wixii hore.”

Saraakiisha Xuuthiyiinta oo qaarkood la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay in hawlgaladooda militari ee marin biyoodyada caalamiga ah ay joogsan doonaan oo keliya, marka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Gaza, ayna qaaddo cunaqabateynteeda shacabka.

Madaxa Guddiga Sare ee Kacaanka Xuuthiyiinta, Mohammed Ali Al-Houthi ayaa sheegay inaanay cabsi gelin doonin duqaymaha ay xulafada Mareykanka ka gaysanayaan dalka Yemen ee ka dhanka ah Xoogaga Xuuthiyiinta iyo gantaalahooda.

Mohammed Ali Al-Houthi ayaa sheegay in xoogagooda ay ka faa’iideysan doonaan daldaloolada maraakiibta dagaalka iyo Ciidamada Mareykanka ee ku sugan badda, cawaaqib aad u daran ay la kulmi doonaan.

Sarkaalkan ayaa ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabooyinka ku habboon hawlgaladooda ay garab istaagga ugu muujinayaan Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga ee xulafada Mareykanka.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku adkeysanaya shuruudooda ah in Israel ay soo afjarto duulaankeeda Gaza, ayna fasaxda gargaarka sida weyn loogu baahan yahay, taas oo ay sheegeen inay tahay tan qura ee dhammaadka u noqon karta weeraradooda maraakiibta, haddii aan taasi la helina ay sii wadi doonaan weerarada ay ku gubayaan maraakiibta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc