Home Wararka Caalamka Shani Nicole oo ka mid ahayd la haysteyaashii Gaza ayaa meydkeeda la helay

Shani Nicole oo ka mid ahayd la haysteyaashii Gaza ayaa meydkeeda la helay

by Laacib

Maamulka Israel ayaa shaaciyay in ay heleen meydka gabar ka mid ah dadkii ay Xoogaga Xamaas ku qafaasheen weerarkii ay 7-dii bishan October ka gaysteen dhulka la haysto.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay geerida Shani Nicole Louk, oo sidoo kale haysatay dhalashada dalka Jarmalka.

“Runtii aad ayaan uga xumahay inaan sheego in aan hadda helnay warka sheegaya in la xaqiijiyay in la dilay, oo ay dhimatay Shani Nicole.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wax badan lagama oga qaabka ay u dhimatay gabadhaasi amaba loo dilay, balse Dowladda Jarmalka ayaa xaqiijisay in muwaadin u dhashay dalkaasi uu dhintay, mana bixin faah faahin intaasi dheer.

Shani Nicole oo 23 jir ahayd ayaa ka mid ahayd tiro dad ah oo Xoogaga Xamaas ay ka soo kaxeysteen fandhig faneed ka socday deegaanka Kibbutz Re’im ee koonfurta Israel.

Militariga Israel ayaa Sabtidii sheegay in 229 qof oo Israeliyiin ah ay Xoogaga Xamaas ku haystaan Marinka Gaza.

Geerida Shani Nicole ayaa imaanaysa, xilli qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ay maamulka ku cadaadinayaan in si nabad ah guryahooda loogu soo celiyo dadkaasi, isla-markaana ay Tel Aviv sameyso maxaabiis is dhaafsi. La haysteyaasha waxaa la sheegay in qaarkood ay laba dhalasho haystaan.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo habeen hore la kulmay guddi ay iska soo xuleen qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ayaa u sheegay in Israel ay samayn doonto wax kasta oo suurtagal ah, si dadkaasi ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Israel ayaase sii waddo duulaankeeda ka dhanka ah Gaza, oo sida ay sheegtay lagu burburinayo Ururka Xamaas.

Ururka Xamaas ayaa dhawaan sheegay in dad hor leh oo ka mid ah maxaabiista ay ku dhinteen weerarada Israel ee Gaza, tirada dhimashada ee la haysteyaashana ay gaartay 50 qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc