Home Wararka Maanta Shaqaalaha Hormuud Telecom oo qaarkood ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne

Shaqaalaha Hormuud Telecom oo qaarkood ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ay ku dhaawacmeen qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Qaraxan oo uu gaystay nin kaxeynayay gaari nooca xamuulka oo lagu soo raray walxaha qarxa ayaa beegsaday korontoolka Horseed oo lagu canshuuro gaadiidka, kuna yaala agagaarka Buundada Nuur Xawaad.

Xarun ay leedahay Shirkadda Hormuud Telecom ayaa dacalka ku haysa goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoona xaruntaasi uu burbur weyn ka soo gaaray qaraxaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu dhacay, xilli laga soo baxay Salaaddii duhurka, dibna loo furay Xarunta Shirkadda Hormuud.

Gudoomiyaha Degmada Beledweyne, Cumar Cismaan Calasow ayaa sheegay in dhismaha shirkadda uu burbur ka soo gaaray qaraxa, qaar ka mid ah shaqaalahoodana ay ku dhaawacmeen.

“Dhismaha Shirkadda Hormuud oo meesha ka dhaweyd burbur ayaa gaaray, dhaawacyo badan oo shaqaalahooda soo gaarayna way jiraan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale goobo kaloo ganacsi iyo guryo la deganaa ayaa ku burburay qaraxan, oo noqonayo mid ka mida qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca magaaladaasi.

Maamulka ayaan weli tira-koob ku samayn dhismayaasha ganacsi iyo kuwa kale ee la deganaa ee ku buburay weerarkaasi argagixiso.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, waxaana la tuhunsan yahay in burbur ku hoos jiraan.

Cumar Cismaan Calasow, Gudoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa sheegay in uu socdo gurmadka burburka dhismayaasha hoostooda lagaga baadi-goobayo dadka maqan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, marka laga soo taggo in maamuleyaasha ay la xiriirinayaan mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc