Home Wararka Maanta Shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Beledweyne

Shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Beledweyne

by Laacib

Shaqaaqadan ayaa maanta ka dhacday xarun ku taala xaafadda Buundoweyn ee Magaalada Beledweyne, oo lagu qaybinayay kaarar loogu talagalay in dadku ay deeqaha ku qaataan.

Wararka ayaa sheegaya in nin dhallinyaro ah ay wada murmayn askari ku sugnaa goobtaasi, ka dibna uu qori soo qaatay, isla-markaana uu rasaas ku furay goobtaasi.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninka dhallinyarada ah uu ka carooday in laga hor istaagay in si aan sax ahayn uu kaarka ku qaato, taasina ay keentay in is rasaaseyn ay dhex marto askarigii goobta ilaalinayay.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo midkood uu ahaa askari ka tirsan militariga ayaa ku geeriyooday shaqaaqadaasi, halka qof dumar ahna ay ku dhaawacantay.

Bashiir Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay noqoneyso middii labaad oo halkaasi ka dhacdo.

“Falkan waa maalintii labaad uu ka dhacayo Magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafadda Buundoweyn.” Ayuu yiri Bashiir Maxamed oo KNN la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri “Fatahaaddii oo dadka saamayn ku yeelatay iyo deeqaha la keenayo oo aan buurnayn ayay dhibaatooyinkaasi ka dhasheen.”

Bashiir Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo markii dambe ka yimid duleedka magaalada ay hadda baadigoob ugu jiraan qofkii shacabka ahaa ee dhibaatada gaystay.

“Booliska ayaa baaritaano u yimid xaafadda, qofkii dhibka gaystayna waa baxsaday, laakiin waa lagu raadjoogaa.” Ayuu yiri Bashiir Maxamed.

Fatahaadaha uu Webiga Shabelle ka gaysanayo magaalada ayaa laamaha amniga ku riixay in ay si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyaan duleedka Beledweyne.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc