Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed oo gogol dib-u-heshiisiineed ka furay Gobolka Shabellaha Dhexe

Shariif Sheekh Axmed oo gogol dib-u-heshiisiineed ka furay Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii shir dib-u-heshiisiin ka furay deegaanka Burka Diirimeed ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gogoshan dib-u-heshiisiineed ayaa ah mid lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoos yimaada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle ee gobolkaasi.

Shirka oo ay ka qaybgelayaan Duubabka Dhaqanka ee beelahaasi ayaa lagu doonaya in lagu soo afjaro colaadda labada beelood oo in muddo ahba ku soo noqnoqotay gobolka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa odayaasha iyo waxgaradka labadaasi beelood kula dardaarmay inay gogoshan ku soo geba-gabeeyaan colaadda beelaha, si bulshada deegaanka ay ugu wada noolaadaan nabad iyo walaalnimo.

Shariif Sheekh Axmed oo hormuud u ah ergada dhexdhexaadinta ayaa toddobaadkii hore ku guuleystay in ay kala qaadaan maleeshiyadii dagaalameysay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc