Home Wararka Caalamka Shiinaha oo Pakistan ugu yeeray in caddaaladda la horkeeno kuwii dilay muwaadiniintiisa

Shiinaha oo Pakistan ugu yeeray in caddaaladda la horkeeno kuwii dilay muwaadiniintiisa

by Laacib

Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareysay weerarka lagu dilay injineeradeeda, oo ay ku tilmaamay mid argagixiso, iyadoona Pakistan ka dalbatay inay baaritaan ku sameyso cidda dishay injineeradaasi.

Safaaradda Shiinaha ee Islamabad ayaa ku baaqday in dowladda ay caddaaladda horkeento dembiileyaasha.

Injineerada Shiinaha oo shan gaarayay ayaa Talaadadii lagu dilay ismiidaamin ka dhacday Degmada Shangla ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa, ka dib markii nin kaxeynayay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu bartilmaameedsaday gaarigii ay la socdeen.

Injineeradan ayaa lala dilay darawalkoodii oo muwaadin Pakistani ahaa, waxaana la weeraray, xilli ay ka soo ambabaxeen Caasimadda Islamabad, ayna ku sii jeedeen Magaalada Dasu, oo uu ka socdo dhismaha biyo xireen muhiim ah oo laga dhaliyo korontada, isla-markaana ay dhiseyso shirkad Chinese ah.

Kooxaha samatabixinta ayaa sheegay in gaarigii ay wateen injineerada uu ka dhacay jeexa buurta, ka dib markii uu qaraxu dhacay, isla-markaana ay adkaatay in la aqoonsado laba meyd.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee muwaadiniinta Shiinaha loogu gaysto dibadda, tan iyo bartamihii sanadkii 2021.

Shiinaha ayaa saaxiib dhow la ah Pakistan, waxaana uu maalgashi ballaaran ku sameeyay mashaariic kala duwan oo laga fulinayo dalkaasi, ha yeeshee badqabka muwaadiniintiisa ee ka shaqeeya mashaariicdaasi ayaa waxaa inta badan khatar ku ah kooxaha hubeysan ee gobolka.

Bishii July ee sanadkii 2021 ayay ahayd, markii sagaal Chinese ah lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Dasu, ka gadaal markii la weeraray gaari bas ahaa oo ay la socdeen.

Madaxweynaha cusub ee Pakistan, Asif Ali Zardari ayaa cambaareeyay weerarkan ugu dambeeyay, isagoona tacsi u diray qoysaska dhibaneyaasha iyo Dowladda Shiinaha ee deriska la ah.

“Cadowgayaga marnaba kuma guuleysan doonaan inay dhaawacaan saaxiibtinimada Pakistan iyo Shiinaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Zardari.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc