Home Wararka Maanta Shiinaha oo si cad isaga diiday dalab uga yimid Israel

Shiinaha oo si cad isaga diiday dalab uga yimid Israel

by Laacib

Dowladda Shiinaha ayaa iska diiday codsigii Maamulka Israel ee ahaa in ay cambaareyso weerarka ay Xoogaga Xamaas Sabtidii ka gaysteen dhulka ay Israel xoogga ku haysato.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa ku celelisay inaanay cambaareynaynin iska caabinta Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israel.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Beijing ay ka soo horjeeddo inay cambaareyso rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ee Israel iyo Gaza.

Bayaanka ayaa dhinacyada loogu baaqay inay is xakameeyaan, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo xaaladda kaga dari kara.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in Shiinuhu uu mowqifkiisu cad yahay, uuna ku mowqif yahay Ruushka, xalka Falastiiniyiinta iyo Israel-na uu yahay in la helo laba dowladood oo deris ah.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in Israel ay la yaabtay jawaabta Shiinaha iyo sida aanay u cambaareyn Xoogaga Xamaas.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Chuck Schumer oo booqasho ku jooga dalka Shiinaha ayaa dhalleeceeyay jawaabta Shiinaha ee weerarkii Xamaas ee Israel.

Waxa uu sheegay inuu ka niyad jabay taageero la’aanta iyo naxariista la’aanta Shiinaha ee Israel.

Chuck Schumer ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda Mareykanka oo Isniintii Caasimadda Beijing kula kulmay Madaxweyne Xi Jinping.

Wafdigan ayaa Shiinaha u tegay dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc