Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii 4aad ka socdo Muqdisho (SAWIRRO)

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii 4aad ka socdo Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoominaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maalintii labaad ka socdo Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ay leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa maanta ku biiray Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo ka soo laabtay shirka sanadlaha ee Bankiga Horumarinta Afrika oo uu kaga qaybgalay Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka ayaa lagaga hadlaya wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta, dhameystirka dayn-cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Khamiistii waxaa shirka ku biiray Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Horey waxaa shirka ugu sugnaa Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana weli ka maqan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo aan shirkan iyo kii ka horreyay ee ka dhacay Magaalada Baydhabo, midna ka qaybgelin.

Madaxweyne Deni ayaa la fahamsan yahay in uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federaalka. Khilaafkooda ayaana horaantii bishan gaaray meeshii ugu sarreysay, ka dib markii ay eedeymo isaga jeediyeen qalabka Warbaahinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc