Home Wararka Maanta Shirka IGAD oo maanta looga hadlayo xiisadda Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya

Shirka IGAD oo maanta looga hadlayo xiisadda Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya

by Laacib

Urur Goboleedka IGAD ayaa xaqiijiyay in uu maanta qabsoomi doono shirka uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Jamhuuriyadda Jabuuti oo haysa madaxtinimada ayaa dalalka xubnaha ka ah IGAD isugu yeertay shir looga arrinsanayo xiisadda ka soo korortay gobolka ee u dhaxeysa Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Jabuuti ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in sidoo kale shirka looga hadli doono dagaalka muddada sagaalka bilood ka socdo dalka Suudaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii gaaray dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qaybgelayo shir aan caadi ahayn oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan fara-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliya, sida lagu sheegay qoraal xalay lagu daabacay barta Villa Somalia.

“Madaxweynaha iyo wafdiga wehlinaya ayaa sidoo kale ka qaybgeli doona shirka isbahaysiga dalalka dhexdhexaad ka ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xiisadda labada dal ayaa ka dambeysay, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ay 1-dii bishan ku gaareen Magaalada Addis Ababa. Heshiiska ayaa ogolanaya in Itoobiya bad kiro ah laga siiyo Badda Cas.

Dowladda Somaliya oo si adag uga hortimid heshiiska ayaa ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc