Home Wararka Caalamka Shirka Madaxda NATO oo maanta ka furmaya Caasimadda Vilnius

Shirka Madaxda NATO oo maanta ka furmaya Caasimadda Vilnius

by Laacib

Madaxda dalalka ka tirsan Gaashaanbuurta NATO ayaa lagu wadaa in maanta uu Magaalada Vilnius ee xarunta dalka Lithuania uga furmo shir laba maalmood soconaya.

Ajandayaasha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah colaadda dalka Ukraine, sida dalkaasi uga mid noqon karo isbahaysiga iyo doodaha ay dalalka bahwadaagta qaybtood ka keenayn bambada wax gumaadda Cluster ee Mareykanku uu go’aansaday inuu siiyo Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Dalalka xulafada qaarkood ayaa walaac ka muujiyay go’aanka uu Mareykanku bambadaasi ugu rarayo Ukraine. Sidoo kale Qaramada Midoobey iyo dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ka horyimid go’aankan, tani ayayna u arkaan mid liddi ku ah dadaaladii socday ee dunida lagaga mamnuucayay bamkaasi, oo ay sheegeen in uu khatar ku yahay nolosha dadka rayidka. 120 dowladood oo qaarkood NATO ka tirsan ayaa la ogyahay in ay saxiixeen heshiiska dunida looga joojinayo isticmaalka bambadaasi.

Bamka Cluster ayaa waxa uu mid kasta ka kooban yahay boqolaal walxaha qarxa oo yaryar oo ku faafa goobaha la bartilmaameedsado, inkastoo walxahaasi aanay dhammaantood wada qarxin, iyadoo kuwooda aan qarxin ay muddo dheer ku sii jiri karaan dhulka, waana taas khatarta weyn ee laga digayo ee ka dhanka ah rayidka, gaar ahaan carruurta.

Hoggaamiyeyaasha NATO qaybtood ayaa sidoo kale ka soo horjeeda in Ukraine lagu soo daro Militariga NATO, taas oo ay u arkaan mid ka sii careysan karta Ruushka.

Hoggaamiyeyaasha ayaa la sheegaya in ay fahamsan yihiin in Ukraine aanay xilligan ku soo biiri karin bahwadaagto NATO, balse ay doonayaan in mustaqbalka ay xubin ka noqoto isbahaysiga militari.

Madaxda NATO ayaa la filayaa in maalinta berrito ay warmurtiyeed ku soo saaraan taageeradooda ballaaran ee Ukraine, si ay u muujiyaan in ay ka soo wada horjeedaan waxa ay ku sheegeen gardarada Ruushka.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa doonaya in Ukraine ay gaashaan ka dhigato NATO, marka uu dhammaado dagaalkan ay Ruushka kula jiraan, si dalkiisu u u helo damaanad amni.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc