Home Wararka Maanta Shirka Madaxweynaha iyo madaxdii hore ee dalka oo ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)

Shirka Madaxweynaha iyo madaxdii hore ee dalka oo ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka furay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa shirkan ku soo martiqaadday Madaxweyne-yaal & Raysal Wasaareyaal hore iyo weliba siyaasiyiinta dalka qaarkood.

Waasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, Daa’uud Aweys Jaamac oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirku uu yahay mid wadatashi oo looga hadlayo arrimaha dalka.

“Shirkani waxaa uu muhiim u yahay masiirka ummadda Soomaaliyeed amaba sameynta go’aamada wadar ogolka ah ee ku saleysan siyaasadda Dowladda Federaalka.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Waa markii ugu horreysay ayaan filayaa inuu yahay shirkii ugu horreyay ee noocaan ah ee Somaliya ka dhaca, taasina waxa ay ka dhalatay dowladda oo dooneysa inay fuliso siyaasaddeeda ku saleysan in wadatashi lala yeesho dhammaanba qaybaha bulshada, si feker amaba aaraadooda uga dhiibtaan go’aamada masiiriga ah ay Somaliya u baahan tahay xilliga dowlad-dhiska iyo ka samatabixinta waddanka dhibaatooyinkii uu soo maray, ha noqoto xagga dowlad-dhiska, xagga amniga ee dagaalka lagu la jiro Khawaarijta, dib-u-qaabaynta dhaqaalaha Somaliya, ha noqoto in Somaliya ay noqoto dal nabadeed oo dhisan, siyaasaddiisuna ay degan tahay, taas oo sal u noqon karta in horumarka Somaliya ay u noqoto sal.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Shirkani waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah madaxdii hore, sida Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaareyaal hore, Gudoomiyeyaal hore Baarlamaan ah iyo siyaasiyiin ayaa wada fadhiya.”

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa intaasi ku daray “Waxaan filaynaa in wadatashiyada ee ay halkaasi ku yeelanayaan ay noqon doonaan kuwo miro-dhal ah, oo markaasi aasaas u noqda in dhaqanka ah wadatashiga uu mar walba noqdo dhaqanka salka u ah in go’aamada siyasaadeed iyo go’aan kastoo waddankani hore loogu marinayo loo maro.”

Shirka oo laba maalmood ka socon doono Caasimadda Muqdisho ayaa si dhow looga hadli doonnaa heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka loogu jiheynayay doorasho qof & cod ah, dhameysirka Dastuurka KMG iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in madaxdii hore ee dalka uu weydiisto in ay dowladdiisa ka gacan siiyaan dardargelinta hawlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc