Home Wararka Maanta Shirkii Madaxda IGAD oo warmurtiyeed laga soo saaray

Shirkii Madaxda IGAD oo warmurtiyeed laga soo saaray

by Laacib

Waxaa caawa xarunta dalka Uganda ee Kampala lagu soo geba-gabeeyay Shir Madaxeedka 42aad ee Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka furmay magaaladaasi.

Shirka ayaa looga hadlay xiisadda ka soo korortay gobolka ee u dhaxeysa Dowladaha Somaliya & Itoobiya iyo colaadda dalka Suudaan.

Shirkan aan caadi ahayn ayaa laga soo saaray warmurtiyeed, iyadoona ay madaxdu walaac ka muujiyeen xiisadda ka dhex taagan labada dal ee Somaliya iyo Itoobiya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay inay tahay in la xushmeeyo mabaadii’da asaasiga ah ee ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo in heshiis kasta lagu dabaqo madaxbannaanidaasi, iyadoona ay tahay in heshiisyada la gaarayo ogolaansho looga haysto Dowladda Soomaaliyeed.

Warmurtiyeedka ayaa labada dowladood loogu baaqay inay dejiyaan xiisadda taagan, isla-markaana ay bilaabaan wada hadalo wax dhisaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan sheegay inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin taako ka mid ah dalka Somaliya.

Madaxda ayaa dhanka kale waalac ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dalka Suudaan. Dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi ayaa loogu baaqay inay sameeyaan xabad joojin bilaa shuruud ah.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Somaliya, Kenya, Uganda iyo Koonfurta Suudaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc