Home Wararka Maanta Shuruudaha laga doonayo Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la soo saaray (SAWIRRO)

Shuruudaha laga doonayo Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la soo saaray (SAWIRRO)

by Laacib

Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga doonayo shakhsiyaadka daneynaya in ay ka mid noqdaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada.

Iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay sharci ahaanshaha Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Baarlamaanka, oo 12-kii bishan uu soo magacaabay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay shuruudaha ay tahay inay buuxiyaan daneeyeyaasha.

Shuruudaha oo ka kooban 7 qodob ayaa waxaa ka mid ah in qofku uu yahay mid reer Puntland oo Muslim ah, da’diisana aysan ka yareyn 30 sano, inaanan muwaadinimadiisa xukun maxkamadeed lagaga laalin 5-tii sano ee la soo dhaafay, inuu leeyahay ugu yaraan aqoonta dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta iyo inuu keensado habraacii soo xulista xubinimada beeshiisa.

Guddiga ayaa sheegay in qabashada codsiyada ay bilaabaneyso 17-ka bisha oo maanta ku beegan, ayna ku egtahay 25-ka bishan.

Madaxtooyada Puntland ayaa beelaha ku wargelisay in ay soo doortaan Xildhibaanadooda, si loo guda galo Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka, 8-da bisha soo socotana loo soo doorto Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo 7-dii bishan hal sano kororsaday ayaase doonaya in Baarlamaanka 5aad Puntland ee hadda jira uu 8-da January soo doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, Xildhibaanada Baarlamaanka xiggana sanad ka dib lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah, kaas oo ku cad go’aankii Odayaasha Dhaqanka ee ay 6-dii December soo saareen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc