Home Wararka Maanta Somaliland oo qaadacday soo jeedintii Madaxweyne Museveni

Somaliland oo qaadacday soo jeedintii Madaxweyne Museveni

by Laacib

Somaliland ayaa ku gacan-seyrtay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni baaqiisii ahaa inay dib ula midowdo Somaliya inteeda kale.

“Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah Ergay Gaar ah oo ka socda Somaliland ayaan ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada Entebbe. Ma taageersanin in Somaliland ay ka go’do Somaliya, maxaa yeelay xeelad ahaan waa khalad. Dadka ayaa la kulma caqabado isku mid ah, iyadoo aan loo eegayn midab iyo diin, sidaasi daraadeed waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga.” Ayuu Madaxweyne Museveni Sabtidii ku sheegay bartiisa X oo horaan la oran jiray Twitter.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac, si mar kale ay dib ugu midoobaan.

“Sidaasi awgeed waxaa loo baahan yahay in Somaliland iyo Somaliya ay midoobaan, isla-markaana ay wada ganacsadaan, lana ganacsadaan dalalka kale ee Afrika.” Ayuu yiri Museveni.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inaanay Somaliland qorshaha ugu jirin in Somaliya ay kala hadasho arrimo la xiriira midnimadooda.

“Xukuumadda Somaliland waxay caddeynaysaa in wada hadal kasta oo Somaliland iyo Somaliya u furma aanay ka wada hadli doonin midow, balse ay wada hadalada ku saabsanaan doonaan, sidii labadii dal hore u mideysnaa, horeyna ay ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Sidaas darteed Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar labaad u xaqiijinaysaa Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka in aanay qorshaha ugu jirin wada hadal ku saabsan midnimada Somaliya.”

Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii sheegtay in ay dib gooni isu taageeda uga la soo laabatay Somaliya, ka gadaal markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.

Somaliland ayaa xilligaasi si iskeed ah ugu dhawaaqday madaxbannaani, ha yeeshee Dowladda Federaalka ayaa u aragto qayb ka mida Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc